Ka hortagga uurka

Contraceptives

Warbixin ku saabsan filimka

Filimka ka hortagga uurka wuxuu ku saabsan yahay sida aad yeeli karto haddii aad rabto inaad galmo sameyso oo aadan uur yeelan. Waxaa jira habab kala duwan oo la isaga ilaaliyo uur aan la doonayn, tusaale ahaan kiniin iyo giraan. Waxaad iyana isticmaali kartaa cinjirka galmada oo kaa ilaalinaya uur aadan dooneyn iyo cudurrada lagu kala qaado galmada, labadaba. 

Filimka waxaa lagu sheegayaa in gariiradda IUD la beddelo saddex ama shan sanno kadib. Tan iyo markii filimka la sameeyey ayaa waxaa isbedelay tilmaamaha iyo qaar ka mid ah gariiradana waxaa lagu hayn karaa gudaha muddo dheer. Weydii umulisada waxa adiga gaar ahaan kuugu habboon.

Filimka sidoo kale waxaa lagu xusayaa in kaniinada ka hortagga uurka ee degdegga ah ay shaqeynayaan haddii uu qofku ilooway inuu qaato kaniinada ka hortagga uurka ee caadiga ah. Laakiinse waxaa jira nooc ka mid ah kaniinada uurka ee degdegga ee aan la qaadan karin hadii qofku uu isticmaalayo kanniinada uurka ee caadiga ah. Weydii umulisada caawimaad si wax waliba sax u noqdaan.

 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Ma jiraan waxyaalo filimka ku jira oo aad u aragto inay xiiso dheeraad ah leeyihiin?
  2. Qof walba isagaa xaq u leh go'aankiisa hadduu doonayo inuu isticmaalo hababka ka hortagga uureysiga iyo nooca uu isticmaalayo. Sidee lagu ogaan karaa habka ka hortagga uureysiga ee qofka ku habboon?
  3. Maxay ku wanaagsan tahay inuu qof lammaanihiisa kala hadlo hababka ka hortagga uureysiga? Maxaa fududdayn kara ama adkayn kara in taas laga wada hadlo?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira